Maareeyihii hore ee Tiyaatarka Qaranka Cismaan C/llaahi Guure (Abwaan Guurre) ayaa ka hadlay xil ka qaadis degdeg oo maanta looga xayuubiyey xilka, kadib qoraal kasoo baxay wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.
Abwaan Guure oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa farriin uu soo diray ku sheegay ku faraxsan yahay xilka laga qaaday, xilkuna uu yahay meerto/ balse uu xilka wareejin doono marka uu dalka dib ugu soo laabto.
“Waa ku Faraxsanahay Xilka leyga qaaday waana soo dhoweynayaa Insha Allaah markaan Dalka ku Soo laabtana waa wareejinayaa..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimihii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaallada -National Theatre-ka.
Xil ka qaadistan ayaa timid war ay faafisay idaacadda uu leeyahay Abwaan guure ee magaalada Muqdisho, warkaas oo ku saabsanaa in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay inuu bedelo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ay si weyn u beenisay madaxtooyada Soomaaliya, kuna tilmaantay been abuur.