Maamulka Jaamacadda SIMAD ayaa beeniyey war laga baahiyey arday bannaanbax ka dhigtay cabasho ay ka muujiyeen dhibaato ka taagan Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamcaddaasi.
Warka laga baahiyey arrintan ayaa soo xiganayey arday ka tirsan Kulliyadda Caafimaadka oo dhigay isu soo bax ay ku muujiyeen in loo soo celiyo Hormuudkii Kulliyadaasi oo ay sheegeen in shaqada ka tegay, iyagoo ku dooday in arrintaas darteed markii ay ka hadleen laga joojiyey waxbarashadii ilaa 30 arday.
HOOS KA DAAWO WARKA OO MUUQAAL AH
Jaamacadda SIMAD ayaa jawaab degdeg ka bixisay arrintan iyadoo soo qortay farriintan hoose.
“Golaha Akadeemiyada Jaamacadda ayaa waxbarashadii ka joojiyay 30 arday oo ka tirsan kulliyada caafimaadka kadib markii ay ku xadgudbeen hab-dhaqanka iyo shuruucda jaamacadda “Chapter I Artcle 14, Chapter II Artcle 1 (ac, d, j, k and m), Artcle 2 (a) iyo Artcle 3 (d)”. Muuqaalka uu baahiyay Dalsan TV waxaa ka muuqda xirfad yari iyo been abuur ay ku sheegeen in 400 ay gaarayaan ardaydas. Hadaba, waxaan kula talinaynaa maamulka Dalsan TV in ay ilaaliyaan akhlaaqda saxaafadda..”
Jaamacadda ayaa qirtay in 30 arday oo ak tirsan Kuliyadda caafimaadka ay waxbarashada ka joojisay, taasoo ah arrin weyn, laakiin waxay been abuur ku tilmaameen in ardayda ay 400 gaarayaan, inkastoo aanay asheegin tirada ardayda kuliyadda caafimaadka ee dhibaatada ka sheeganaya maamulka Jaamacadda SIMAD.