Saturday, July 5, 2025

Afarta Gobol ee Go’aamin Doona Madaxweynaha cusub ee Mareykanka (Akhriso Wararkii ugu danbeeyay..)

Saddex maalin kadib Doorashada Mareykanka iyo maalintii afraad ayaan wel lagu kala bixin Doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee ay ku loolameen madaxweynaha xilka sii haya Donald Trump iyo musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Jeo Biden.

Doorashada ayaa u muuqata mid si adag loogu loolamayo Gobollada ugu muhiimsan ee hadaba dhinac u codeeya, kuwaasoo go’aamiya guusha musharaxa noqonaya Madaxweynaha oo u baahan 270 codadka loo yaqaan ‘Electrol College’ oo Gobollada dalka Mareykanka oo gaaraya 538 Ergo Cod.

Biden ayaa hadda heysta 264 (marka lagu daro gobolka Arizona oo weli la isku hayo) ama 253 marka laga reebo Gobolkaasi, wuxuuna u baahan yahay inuu ku guuleysto marka Arizona lagu daro Goboka Nevada.

Maalintii saddexaad ayaa dadweynaha Mareykanka sugayaan natiijada oo laga cabsi qabo inay dib u dhacdo, taasoo qaadan karta maalmo ayna ugu wacan tahay taranka oo aad isugu dhow Gobollada muhiimka ah ee la isku hayo iyo dad ka badan kuwii hore oo codeeyay.

Waxaan weli lagu kala bixin oo codad isu dhow gobollada kala ah:

Arizona: Waxay leeday 11 ergo cod, waxaana ku horeeya Joe Biden oo warbaahinta qaarkeed sida AP, Fox News, Aljazeera iyo kuwa kale ay xisaabta ugu dareen Musharaxa Joe Biden, laakiin waqti ayey qaadan doontaa waqti si loo ogaado natiijada ugu danbeysa, iyadoo taageerayaasha Trump ay isku dayeen inay galaan goob cod bixinta lagu tirinayey.

Georgia: Waxay leedahay 16 ergo cod, waxanaa horeeya Trump, laakiin waxaa soo yaraanaya codadka uu ku horeeyo. Kooxda Trump ayaa olole ugu jirta in la joojiyo tirinta codadka dib u soo dhacay, taasoo ay ku guuldarreysatay.

Pennsylvania: Waa Gobolka uu tartanka ugu adag ka socdo, waxaan shalay ku horeeyay codad ka badan 600,0000 Madaxweyne Trump, laakiin iyadoo ay socoo tirinta codadka lagu dhiibtay Boostada waxaa soo yaraanaya hoggaaminta Trump oo hoos ugu dhacday in ka yar 50,000 cod. Gobolkan waxay tirintu soconeysaa ilaa Jimcaha. Guddiga ololaha Trump ayaa dacwad ka furay Gobolkan taasoo socon weyday.

Nevada: Waxay leedahay 6 ergo oo cod, waxaana ku horeeya Joe Biden, laakiin waxaa isu dhow codadka iyadoo la sugayo codadka harsan.

North Carolina: waxay leedahay 15 ergo cod, iyadoo uu horeeyo Donald Trump.

Gobollada Wisconsin iyo Michigan ayuu ku guuleystay habeen hore xilli danbe musharaxa Dimoqraadiga Jeo Biden, taasoo si weyn ugu dhoweysay guusha, laakiin waxaa weli u harsan inuu helo codadka Gobollada uu ku horeeyo ee Arizona, Nevada si uu guusha u gaaro inta aan la isla gaarin Gobolka la isku dhegan yahay ee Pennsylvania.

Biden ayaa guusha waxaa ka xiga inuu ku guuleysto Pennyselvania ama uu helo codadka Arizona iyo Nevada, halka Trump u baahan yahay saddex ka mida Gobollada waaweyn ee la isku hayo.

Lixda Gobol ee soo socda ayaan weli lagu kala guuleysan, inkastoo Gobolka Arizona warbaahinta qaarkeed ay siyeen Jeo Biden, taasoo codadka uu heysto ka dhigeysa 264, halka warbaahinta ka reebtay sida CNN, ABC iyo kuwa kale ay codadka Biden ka dhigeen 253.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON