Sunday, June 22, 2025

Afarta Musharax ee bannaanka ka jooga Doorashada Galmudug oo markii 3-aad Shuruudo soo saaray. (Akhriso)

Afar ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug oo hore u diiday ka qeyb galka doorashada ayaa markii saddexaad soo saaray shuruudo cusub.

Xildhibaan C/ramaan Odowaa, Kamaal Guutaal. Cabdi Dheere iyo C/llaahi Weheliye ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb kadib soo saaray dhowr qodob oo ay ku xireen ka qeybgalkooda Doorashada Madaxweynaha xilli uu xirmay waqtigii is-diiwaangelinta, isla markaana 4 Musharax ay xilkaasi u taagan yihiin.

Musharixiintan ayaa markii hore dalbaday qodobo ay ugu muhiimsan tahay in muddo 21 maalmood ah dib loo dhigo Doorashada, kadibna markii ay Guddiga Doorashada ka baxeen xubnihii ka socday Ahlu suna waxay dalbadeen in Ahlu suna lala heshiiyo, iyadoo war-saxaafadeedkoodii ugu danbeeyay ee caawa ku sheegay in Ahlu suna qeyb ka noqoto qeybta dhiman dee doorashada iyo in la kala diro Guddiga Doorashada.

Ad

HOOS KA AKHRISO QODOBBADA UGU MUHIIMSAN

1-In la xaliyo dhamaan muranada jira ee u dhaxeeya saamilayda Siyaasadda Galmudug.

2- In Ahlusunna ay qeyb Ka noqoto qaybaha dhiman ee doorashada.

- Advertisement -

3- In la baabi’yo guddiga doorashada Madaxwaynaha ee hadda jira iyo in la isukeeno saamilayda siyaasadeed Laguna heshiiyo waqtiga doorashada.

4-In gudoonka baarlamaanka uu xildhibaanada u ogolaado in ay si xor ah ula kulmi karaan musharixiinta Madaxwaynaha iyadoo aanay jirin wax cadaadis ah ama hanjabaad ah.

5-In Doorashadu noqoto xor iyo xalaal islamarkana gacan sadexaad ay goobjoog Ka noqoto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON