Afhayeenka Maleeshiyada Alshabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerarro ay ka geysteen Muqdisho, Gobolka Bay iyo Sh/Hoose oo lagu dilay dad Soomaali ah iyo ciidamo Ugandes ah.
Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay inay beegsadeen Hotel aad u weyn oo ku yaalla Xeebta Liido, lagu qaaday weerar qarax iyo dagaal isugu jira oo ay dagaalyahanadooda ku qabsadeen Hotelka, oo qasaaraha ka dhashay uu gaary sida uu yiri 25 qof dhimasho iyo dhaawaca 37 kale.
Afhayeenka Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa sheegay in Hotelka (Elite) uu ahaa goob ay isugu yimadaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo ay u arkeen inuu gabbaad u noqon karo, balse ay uga daba tageen.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay weerar ay ku qaadeen ciidamo Ugandes ah oo mareyay duleedka Janaalle, halkaasoo ay u ku qarxiyeen Gaari gaashaaman, kuna dileen 8 askari oo kasoo jeeda dalka Uganda. Ma jirto cid xaqiijisay warkan.
C/casiis Abuu Muscab oo sidoo kale ka hadlay weerarkiiGoof-gaduud ay Alshabaab ku qaadeen shalay ayuu sheegay inay ku dilen 9 askari oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo taliyaha booliska degaankaasi.