War-Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiq Aden Cali Dodishe ayuu ku faahfaahiyey kiiska nin loo xiray falka kufsi iyo dil isugu jiray oo ka dhacay duleedka Muqdisho
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
26-Jan-2021 abaare 04:00 galabnimo, ayaa edeysane sheegtay in lagu Magacaabo Daahir Maxamed Qaasim, Magaciisa runta ahne uu yahay Bashiir Maxamed Qaasim, ina hooyo Faadumo Cabdi Cali oo 25jir ah, ayaa kufsi iyo dil wadajira u geystay gabar saqiir ah oo 8 jir ahayd. Isla markaan ahayd agoon daris la ah.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday Xerada Barakacayaasha ee 3Buureed ee ku yaala inta u dhaxaysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Calamada. Howlgal ay iska kaashadeen Maamulka, dadka Deegaanka Lafoole iyo Saldhiga Boliiska Ceelasha biyaha, ayaa gacanta lagu dhigay eedeysanaha oo qiraal ah, kadibna lagu wareejiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si loo horgeeyo Maxkamada awooda u leh dhageysiga iyo go’aan ka gaarista falkaas si cadaalada loo waafajiyo.
Cidna looguma dulqaadanayo wax yeeleynta iyo xadgudubka nafta, Sharafta iyo Qayimka aadanaha, eedeysanaha iyo inta la halmaashana caadaaada ayeey dhadhamin doonaan.
