Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa faahfaahin ka bixiyey dhaawac loo geystay xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo loo xiray haweeney la dhalatay xildhibaanad Muna Key oo lagu magacaabo Maryan Khaliif Abuu.
Maryan ayuu sheegay in damiin lagu sii daayey, markii ay dhawac u gaysatey Xildhibaan Luul Cabdi Adaan oo ka tirsan Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya balse ay isku dayday inay magaalada Muqdisho ka abxsato, ayna ciidamada booliska kasoo qabteen Garoonka diyaaradaha.
HOOS KA DAAWO