Afhayeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Gen. Cabdulahi Cali Caanood ayaa shaaciyey in howlgalka ka dhanka ah Alshabaab uu maalmaha soo socda ka bilaaban doono saddex maamul Goboleed.
Khudbad uu ka jeediyay Warbaahinta dowladda ayuu afhayeen Caanood ku faahfaahiyey dagaallada iyo diyaar garowga ka socda Hirshabelle, isagoo xusay aagagga ay ciidamada dowladda iyo kuwa dageenka isku diyaarinayaan.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga wuxuu cadeeyay in todobaad gudihiis ay howlgallo culus ka bilaaban doono maamul Goboleedyad Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed.
Wuxuu intaas ku daray in Gobolka Jubadda Dhexe uu noqon doono meesha ugu danbeysa ee la isugu tago oo dagaalka u danbeeya uu ka dhici doono.
