Sunday, July 13, 2025

Afhayeenka Farmaajo oo si kulul uga jawaabay Hadal kaso yeeray Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar C/rashiid

Afhayeenka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul uga jawaabay War uu faafiyey Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo ku saabsan heshiis amni oo dhex maraya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Afhayeenka madaxtooyada C/ashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin oo been yahay warka ku saabsan inuu safar Maxamed Farmaajo ku saxiixayo wax heshiis ah ama qorshe safar oo noocaasi ah.

“War been ah waa uun been xitaa haddii uu ka yimaado Ra’iisal wasaare hore. Warka beenta ah waa caddowgeena ugu weyn, wuxuuna leeyahay kooxo badan oo gudaha dalka iyo dubaddaba jooga” ayuu yiri Afhayeenka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Cumar C/rashiid ayaa farriin uu saaka faafiyey ku sheegay inuu jiro war la isla dhex marayo oo ku saabsan heshiis uu Farmaajo ku saxiixayo dalka Itoobiya oo u dhaxeeya dallaka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ertirea, isagoo ka digay halista uu keeni karo heshiiskaasi xilli uu muddo xileedkiisu dahmmaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON