Afhayeenka Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale u hanjabay ganacsatada magaalada Muqdisho ee lacagaha u dira kooxda Alshabaab.
Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayuu ku sheegay afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo inay Alshabaab lacag u dirtay in la soo taagi doono maxkamadda ciidamada Qalabka sida.
Wuxuu intaasi ku daray inay baaritaan wadaan oo ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsato lacag siiya Al-Shabaab, wuxuuna si gaara ugu digay Milkiilayaasha garoomada Sallaxa ee Kubbada Cagta ee magaalada Muqdisho.
DHAGEYSO