Wednesday, July 23, 2025

Afhayeenka Milateriga Kenya oo xaqiijiyay inay Alshabaab qabsadeen Xeradii Ceelcade

Wasaaradda Difaaca Kenya  ayaa si kooban uga hadashay dagaalka saaka aroortii ay Alshabaab ku qaadeen xerada Ceelcade ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida, waxaana Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya uu sheegay in Alsbabaab ay qabsadeen xeradii ciidamada Soomaalida ee Ceelcade.

Afhayeenka Milateriga Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay weerar rogaal celis ah qaadeen oo dagaal culus uu weli socdo tobankii barqanimo xiligaas oo uu hadlayay, wuxuuna intaasi ku daray inaan weli la ogeyn qasaaraha.

“Alshabaab waxay soo weerartay xerada ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ku dhow tan ciidamada difaaca Kenya ee Ceelcadde, weli dagaalku waa socdaa. faahfaahin kale ayaan bixin doonna marka aan helno warbixinta…” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kenya.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dileen tobaab askar ah, ayna la wareegaan gaadiid fara badan.

Embedded image permalink

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON