Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ciidamada Mareykanka iyo Kumaandooska Soomaalida ay ku qaadeen degmada Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe.
War ay baahisay Wakaalada Wararka Shiinaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 30 ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu ka mid yahay afhayeenkii Howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab iyo Sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Abuu Cumar.
Wararkan oo aan la xaqiijin weli ayaa iska soo daba dhacaya, waxaana hore loo sheegay in Amiirka Alshabaab uu ka mid yahay saraakiisha lagu dilay weeraradii Saakow.
Weerarka Saakow ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka iyo Kumaandooska Soomaalida ayaa dhacay Khamiistii, waxaana soo baxaya warar is khilaafsan oo aanay cidna xaqiijin oo ku saabsan in lagu dilay weerarkaasi saraakiil sare oo ka tirsan Alshabaab.
Goobjooge.com