Afhayeenkii Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga.
Diyaarad gaara oo caafimaad ayaa laga saaray Garoonka Aaden Cadde, iyadoo ay sagootiyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto dweynta dhaawaca Afhayeenka oo shalay uu weerar is-miidaamin ah ku qaaday qof isku xiray waxyaabaha Qarxa oo Alshabaab ka tirsan.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in Afhayeenka loo qaaday dalka Turkiga si halkaas loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.




