Agaasime cusub ayaa loo magacaabay Isbitaalka Martiini ee dowladda Soomaaliya maamusha, kaasoo lagula tacaalo dadka uu soo rito cudurka Coronavirus.
Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) oo hore u ahaa la -taliyaha nidaamka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya iyo xubin ka mida Guddiga ka hortagga Coronvirus ayaa loo magacaabay Agaasimaha Isbitaalka Martiini.
Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa ka mid ahaa howlwadeennada ugu cadcad wasaaradda Caafimaadka xilligan adag ee cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu dilaacay, wuxuuna marar badan la hadlay saxaafadda, iyadoo magacaabiddiisa ay ka dambeysay xaalad adag oo ka taagneyd maamulka Isbitaalka oo isbedel weyn ku yimid.