Sunday, June 22, 2025

Agaasime ka tirsan Wasaarada Maaliyadda oo baxsaday iyo Saraakiil Maxkamad la soo taagay

Agaasimihii Waaxda Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Muqdisho ka baxsaday xilli maanta Maxkmadda Gobolka Banaadir la hor geeyay saraakiil ka tiran waaxdiisa oo laga soo xiray degmada Wardhiigley.

Agaasimaha Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Xasan Jurus ayaa la sheegay inuu xalay ka baxay Muqdisho, una gudbay Gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan Tuulada Guulane oo ka tirsan degmada Aaden-yabaal.

Wararka ay heleyso Warbaahinta Risaala ayaa sheegaya Agaasime Muxyadiin Jurus uu ka baxsaday xalay xilli danbe, kadib markii uu ka war helay qorshe la sheegay in lagu xiri lahaa, iyadoo lala xiriirinayo kiis ku saabsan Musuqmaasuq.

Ad

Muxyadiin Jurrus ayaa la sheegay inuu hadda ku sugan yahay Tuulada Guulane, halkaasoo uu kasoo jeedo, waxaana ku ilaalinaya maleeshiyada beeshiisa oo hubeysan.

Ciidamada Booliska ayaa dhowr jeer tegay Guriga Agaasimahan iyo Goobo lagu tuhunsanaa, balse ay ka waayeen, waxaana weli socda baaritaanka Agaasime Muxyadiin Jurus.

Baxsashada Agaasimahan sare ee ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo uu socdo olole baaritaan oo ay wado Xeer ilaalinta dowladda oo ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex jira Hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

Dhinaca kale Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku eedeysan Musuq-maasuq.

Saraakiisha oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan qaybta canshuuraha berriga kuwaas oo ku eedaysan Xatooyo Xoolo dadwayne iyo samaynta dokumentiyo Dawladeed oo been abuur ah, waxyana eedaysanayaashaasi kala yihiin: Maamulaha Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee Khasnajiga Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Degmada War-ta-Nabadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON