Thursday, June 26, 2025

Agaasimeyaal cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta [Akhirso Magacyada]

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa maanta xilka ka qaaday agaasimeyaal ka tirsan wasaaradda isagoo magacaabay agaasimeyaal cusub.

Xilka ka qaadista ugu weyn ayaa ku dhacday agaasimihii guud ee Wasaaarada C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo agaasimaha maamulka iyo kuwa qeybaha.

Agaasimeyaasha cusub ee la magacaabay waxay kala yihiin:

Agaasime guud waxaa loo Magacaabay Abdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala

Agaasimaha TV-ga Qaranka waxaa loo magacaabay Liibaan Abdi Ali

Waaxda Maamulka iyo Qorshaynta Naasir Xasan Xuseen

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifitaax Daahir Jayte.

Wasiirka ayaa agaasimeyaasha xilalka laga qaaday ku eedeeyay musuq iyadoo dowladda cusub ay ka go’an tahay inay dagaal ku qaado musuqmaasuqa sida uu yiri.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON