Tuesday, June 24, 2025

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo la xiray iyo Arrimo la sheegay in loo heysto..

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Xaashi Cali ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay ciidamo ka tirsan dowladda saaka ka wateen xafiiskiisa.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa galay xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, waxayna amar ka heysteen CID-da iyo xafiiska Hanti dhowrka, waxaana la xiray xafiiska agaasimaha oo waraaqo digniin ah lagu dhejiyey.

Xariga Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka oo la geeyay CID-da ayaa ka danbeeyay markii dhowaan la xiray agaasimihii maamulka lacagta ee Wasaaradda Maxamuud Maxamed Buulle, iyadoo la sheegay in musuqmaasuq lagu heysto, kadibna uu kiiska lugaha la galay agaasimaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON