Agaasmihii Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqada laga joojiyey, sida lagu qoray wareegto kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Maxamuud C/qaadir Hilaal.
Qoraalka Wasiir ku xigeenka ayaa ku eedeeyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Karar Shukri Dhoomey inuu jebiyey hannaankii wada-shaqeynta wasaaradda, isla markaana uu la yimid wada-shaqeyn la’aan iyo curyaaminta shaqadii Wasaaradda.
Waxaa qoraalka ka muuqday in wasiir ku xigeenka aanu tallaabadan ku wargelin Wasiirka, taasoo noqoneysa xiisad ka dhex jirta Wasaaraddan oo muddooyinkan ku howlaneyd heshiisyo ay la galeyso shirkado shisheeye.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA



