Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yasiin C/llaahi Farey ayaa kusoo baxay doorashada Golaha shacabka ee goor dhoweyd ka dhacday magaalda Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.
Doorashdan oo muran badan hareeyay ayey ku adkeysteen Guddiga Doorashada iyo Maamulka Galmudug inay dhacdo, waxaana ku tartamay kursiga HOP067 agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud iyo Maxamed Cali Culusoow.
Natiijadii doorashada ayaa sidii la filayey noqotay inuu kusoo baxo Faasiin Farey,iyadoo lagu dhawaaqay inuu Yaasiin Farey helay 68 cod, halka Musharax Maxamud Cali Culusow uu helay 20 cod, waxaana xumaatay 3 cod.
Waxaa sidaas xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad kusoo baxay agaasimihii KMG ahaa ee NISA oo taageero ka heystay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug.
