Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa ka digay in Doorashada socota ay tahay mid aan hore loo arag oo Boob ah, waxayna ka digeen qalallaase iyo dagaal ay dhaliso.
Kulanka oo uu guddoomiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle.
Afhayeenka ayaa sheegay in sida ay doorashadu ku socoto ee boobka ah kaliya laga dhaxli doono qallaase, dagaal iyo burbur, ayna doonayaan inay wax ka qabtaan inta hadda xaaladu bilowga tahay, iyadoo bilaabaya wadatashiyo ay go’aan ku gaarayaan.
“Waxaan hor istaagnay annagoo bulshada Soomaaliyeed kaashaneyna inuu dalku aado muddo kororsi sharci darro ah, dad nool ayaa nooga maqan diidmada muddo kororsiga, welibana waxaan ku taaganahay jidkaas” ayuu yiri Daahir Geelle.
Wuxuu sheegay in la qaloociyey jihadii doorashada, waxa socdana ay yihiin nuqul aan hore u soo marin Soomaaliya, isla markaana Midowga Musharixiinta ay bilaabi doonaan kulamo joogto ah oo ay la yeelanayaan dhinacyada bulshada iyo ka tashiga samata bixinta bulshada hannaanka boobka Doorashada.
