Monday, June 23, 2025

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia oo ka digay xiriirka Cusub ee Somaliya & Eritrea [Akhriso Laba Qodob]

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ka digay xiriirka cusub  ee Soomaaliya la yeelaneyso dalka Eritrea, isagoo talo u jeediyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cali Balcad ayaa sheegay in loo baahan yahay in taxadar dheeraad laga galo Xaaladda ka jirta Geeska Afrika, wuxuuna muujiyey laba qodob oo ay tahay in isha lagu hayo inta aan xiriir lala yeelan dalka Eritrea. “La iskama indha tiri karo dhul fidsiga ay Ereteria ku hayso walaalaheen Jabuuti iyo damaca xulufadan cusub (Itoobiya, Eritrea & Imaaraadka) la damacsan yihiin Somalia iyo Jabuuti..” ayuuna yiri xildhibaanka oo bartiisa twitter-ka soo dhigay farriin culus.

Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay inay Madaxwayne Farmaajo ay ku habooneyd inuu la sii tashado Madaxwayne Ismaciil Omar Ghelle, si uu talada ugu darsado dareenkiisa iyo waayo aragnimadiisa, xulufadana u tusiyo in aannu walaalo nahay Jabuti dhibteedana aanan qayb ka noqonayn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho aan hore loo sii qorsheyn oo lama filaan ah ku tegay maanta magaalada Asmara, isagoo saddex maalmood joogi doona dalkaasi, lana kulmi doono madaxweynaha Eritrea.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON