Monday, July 14, 2025

Agaasimihii hore ee NISA oo Ciidamo, Gadiid & Hub la tegay magaalada Baydhaba [Musharax hubeysan]

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu halkaasi gaaray musharax si weyn looga dareemay magaalada oo halkaasi la tegay gaadiid, ciidamo iyo Hub.

Musharraxan oo ah Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa diyaarad gaar ah ka dejisay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana ka sii horeeyay diyaarad xamuul oo geysay 4 Gaari oo kala ah: laba gaari oo aanay xabbadu karin, Toyoto Hilux, iyaduna aanay xabbadu karin, Gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay iyo ciidamo.

Xuseen Uurkuus oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan.

Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa Baydhaba gaaray musharax kale oo sidan oo kale hub iyo ciidamo la tegay magaalada, kaasoo ah wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen.

Image may contain: outdoor

Image may contain: airplane, sky and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON