Agaasimaha Madaxtooyada Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa ku guuleystey kursiga ka mid ah xildhibaanimada Aqalka Hoose, doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.
Musharax Cali Balcad oo tartan aanu gelin codka ayaa ka guuleystay Xaliimo Xasan Cumar oo hore u ahayd xildhibaan, wuxuunahelay codad gaaraya 47 cod iyadoo xilli habeenimo la doorashadaasi dhacday.
Cali Balcad oo ka mida gacan-yareyaasha madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii kordhisay xildhibaanada kuraasta ka helaya Aqalka Hoose ee sida weyn u taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaalada Cadaado waxaa sidoo kale ku guuleystay xildhibaannimo kasoo helay agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdkariin Xaaji oo tartan adag la galay Eng. C/llaahi Cali Xasan.
Goobjooge.com