Monday, July 14, 2025

Agaasimihii Waaxda Dab-damiska Gobolka Banaadir oo is casilay [Akhri sababta – Dhageyso]

Agaasimihii Waaxda Dab-damiska Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Dab-damiska Gobolka Banaadir  C/llaahi Maxamed Cabdulle (Saney) ayaa sheegay inuu isu casilay kadib markii ay xuquuqdii ay lahaayeen ka waayeen maamulka Gobolka Banaadir.

Mudane C//laahi ayaa sheegay inaysan jirin wax  xuquuq ah oo maamulka gobolka Banaadir ugu talogalay, taasoo shaqadooda ka dhigtay mid adag oo aan la sii wadi karin, isaguna ku qasabtay inuu xilka ka tago.

Wuxuu intaas ku daray inay muddo  dheer kusoo jireen duruufo adag oo heysta shaqaaliha dab damiska oo aan wax xuquuq ah heli jirin Gobolka.

C/llaahi Saney ayaa ku eedeeyay maamulka Gobolka Banaadir inay iska dhega tireen xuquuqdii ay lahaayeen shaqaalihii dab damiska.

Waaxda Dab-damiska Gobolka Banaadir oo dib loo soo nooleeyay xiligii uu Guddoomiye Tarsan madaxda ka ahaa Gobolka Banaadir ayaa ku howlgasha afar baabuur, waxaana lagu xusuusta sidii ay ula tacaashay dabkii weynaa ee ka kacay suuqa Bakaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kharashaad badan ku bixiya ololaha doorashooyinka iyo xaflado loo qabto siyaasiyiinta iyo bannaanbaxyo, halka shaqaalihii ugu mudnaa ay ka mushaar la’ yihiin.

DHAGEYSO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON