Sunday, July 13, 2025

Ahlu suna oo Cabdi Waal u magacawday Taliyaha ciidamada Maamulkooda

Madaxweynaha Ahlu sunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa hogaamiye  kooxeed hore u magacaabay taliyaha maleeshiyada kooxda Ahlu suna, iyadoo xiisad colaadeed oo sii kordheysa ay ka dhex jirto maamulada Ahlu suna iyo Galmudug oo isku haya gacan ku heysta degaanada gobolada dhexe.

Taliyaha cusub ee maleeshiyad Ahlu suna Cabdi Waal
Taliyaha cusub ee maleeshiyad Ahlu suna Cabdi Waal

Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaan Cabdi waal ayaa noqonaya taliyaha ciidamada Ahlu suna, wuxuuna madaxweynaya Ahlu suna sheegay inuu xilkaas ugu dhiibay Cabdi  Waal markii uu arkay khibradiisa dhinaca ciidanka iyo arrimaha milateriga.

Cabdi Waal oo ka mid ahaa isbahaysigii argagixiso la dirirka ee Muqdisho oo ay ku midoobeen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, wuxuu Xamar isaga cararay markii ay  baacsadeen ciidamada nabad-sugidda dowlada Federealka wuxuuna u baxsaday degaanada Ahlu suna.

Xaaladda gobolada dhexe ayaa ka sii dareysa waxaana kusoo biiray maanta iyadoo uu dhinaca Ahlu suna u goostay sarkaal watay afar baabuurta dagaalka ah iyo ciidamo koox ah oo ka tirsanaa ciidamada taabacsan maamulka Galmudug.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON