Maamulka Ahlusunna ee Gobollada Dhexe ayaa ku hanjabay diyaar u yihiin sii ay weerar rogaal celin ah ugu qaadi lahaayeen degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud, halkaasoo toddobaadkii hore ay kalawareegeen Ciidammo taabacsan Galmudug.
Sarkaal u hadlay Ahlu suna oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamadii weerarka ku qaadi lahaa Caabudwaaq, wuxuuna ku dhaartay inay dib ula wareegi doonaan degmadaasi.
Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemay inuu ka socdo magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran iyadoo Ciidamada Ahlusunna Waljmaaca ay qorsheynayaan weerar xog leh oo Caabudwaaq ku wajahan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]