Madaxa xukuumadda Galmudug oo Ahlu suna u metela arrimaha Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo saaray qoraal ku saabsan heshiis laga gaaray arrimaha Galmudug oo ay isla qaateen xukuumadda Soomaaliya iyo Ahlu Suna.
Qoraalka Sheekh Shaakir oo daba jooga qoraal uu saaka soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ahlu suna ay u tanaasushay shacabka Galmudug, ayna ogolaatay inay soo xuso 20 xildhibaan oo ka mida 89-ka mudan ee Baarlamaanka Galmudug, isla markaana ay saxiixeen heshiiskani, isagoo u mahadceliyey dowladda Soomaaliya iyo culimada Ahlu suna, kuna baaqay in la anba qaado dhismaha Galmudug.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
