Wednesday, June 25, 2025

Ahlu suna oo la wareegtay Caabudwaaq & madaxdii Galmudug oo ka baxsaday magaalada

Kooxda Ahlu suna ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta la wareegtay Saldhigga degmada Caabudwaaq kadib markii ciidamo kooxdan ka tirsan oo taabacsan madaxweynaha Ahlu Suna Sheekh Maxamed Shaakir ay galeen degmada.

Cabud-Waaq

Waanwaan ay wadeen odayaasha iyo waxgaradka Caabudwaaq oo ku saabsaneyd loolanka u dhaxeeya maamulka cusub ee Galmudug iyo kooxda Ahlu suna ayaa shaqeyn waayay, iyadoo odayaasha degaankaasi ay u diideen inuu socdaal ku yimaado Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo ka soo jeeda degaankasi dhowr maalmoodna ku sugnaa Caabudwaaq ayaa ka baxsaday Caabudwaaq waxyar ka hor intii aysan maleeshiyada Ahlu suna la wareegin saldhigga degmada, waxayna wararku sheegayaan inuu goor dambe gaaray Cadaado.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda Ahlu suna ay dhowaan la wareegtay degaanada u dhaxeeya Cadaado iyo Caabudwaaq sida Xananbuuro, Mareergur iyo Bangeelle, waxaana isku dhac uu shalay ku dhex maray ciidamo uu watay taliyaha aagga 21aad ee ciidamada dowladda Sulub Axmed Diiriye iyo maleeshiyada Ahlu suna.

Ciidamo hore ugu sugnaa saldhigga degmada iyo xarumaha ciidamada degmada Caabudwaaq ayaa sidoo kale faarujiyay xarumahoodii kuwaas oo la sheegay inay taageersanaayeen maamulka Galmudug. Xaaladda Degmada ayaa kacsan iyadoo loolanka labada maamul qarka u saaran yahay inuu dagaal ka dhex abuuro dadka Caabudwaaq oo kala u kala qeybsan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON