Wednesday, June 25, 2025

Ahlu suna oo maxkamad soo taageysa saxafiyiin ay ku xirtay magaalada Dhuusamareeb

Kooxda Ahlu suna ee gobolada Dhexe ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa shaacisay inay maxkamad soo taageyso shan saxafi oo ay xabsiga dhigtay, kuwaasoo ay ku eedeysay inay warar been ah ka fidiyeen maamulkooda.

ahlusuna-sax

Afhayeenka maamulka Ahlu suna  Mursal Maxamed Yuusuf   ayaa sheegay  in saxafiyiintaasi ay warar aan jirin ka sheegeen magaalada Dhuusamareeb ayna faafiyeen banaannbax ka dhacay Dhuusamareeb oo looga soo horjeedo maamulkooda, kaasoo uu sheegay inuu been abuur ahaa.

Weriyeyaasha u xiran Ahlu suna ayaa kala ah:

  1. Maxamed Deeq Cabid
  2. Bashiir Sanka
  3. Cabdijamaal Macallin Axmed
  4. Cabdullaahi Warsame Rooble
  5. Leylo Nuur Cilmo

Ururada saxafiyiinta ayaa ugu baaqay Ahlu suna inay xoriyadooda dib ugu celiyaan weriyeyaasha ay xireen, laakiin kooxda Ahlu suna ayaa u muuqata inay lasoo baxday awood xad dhaaf ah oo ay dooneyso in degaanada ay ka taliso aan la maqlin cod aan ahayn midka madaxdeeda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON