Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ayaa albaabada isugu laabay laba Idaacadood ku yaalla magaalooyinka ay ka taliyeen ee Guriceel iyo Dhuusamareeb gobolka Galgaduud.
Laba idaacadood waxay kala yihiin Radio Galgaduud oo xarumihiisii Guriceel iyo Dhuusamareeb la xiray iyo Radio Star FM oo ka howlgala Magaalada Guriceel oo isna la xiray.
Ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo xiray Idaacadaha iyadoo maamulka Ahlu suna muddooyinkii dambe uu aad u xumaa xiriirka kala dhaxeeyay saxafiyiinta iyo warbaahinta.
Kooxda Ahlusunna waxay hore u xireen Idaacadda Codka Bartamaha ee Magaalada Dhuusamareeb tan iyo 2-dii Bisha Ogost ilaa iminka u xiran Ahlusunna. Tani waxay ka dhigeysaa degaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Ahlu suna inay iminka yihiin warbaahin la’aan marka laga reebo idaacad Ahlu suna afkeeda ku hadasha oo Guriceel ku taalla.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]