War hadda naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kooxda Ahlu suna ee halkaasi ka talisa ay maxkamad hor keeneen maanta afar ka mid lix weriye oo xabsi dhigeen markii ay ku eedeysay inay faafiyeen warar lid ku ah maamulkooda.
Maxkamadda Ahlu suna oo maanta ka socotay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay xukun laba bilood oo xabsi ah ay ku riday 4 saxafiyiin oo kala ah;
- Maxamed Deeq Cabdi Maxamed
- Bashiir Maxamed Salaad
- Cabdijamaal Macallin Axmed
- Cabdullaahi Warsame Rooble
- Leyla Nuur Cilmi
Kooxda Ahlu Suna ayaa odayaal arrintan ku dhex jiray arrintan kala hadashay xukunkan ayaa u sheegtay in marka xukunka lagu rido kadib la cafin doono weriyeyaasha la xukumay. Dhinaca kale Kooxdan ayaa ku amartay wakiilada warbaahinta ee ku sugan Dhuusamareeb inay saxiixaan wax ay ugu yeereen sharci lagu dhaqayo saxaafadda, laakiin waxaa diiday dhammaan saxafiyiinta ku sugan halkaasi.
Mid kamida saxafiyiinta xabsiga loagu xukumay Maxamed-Deeq Cabdi Maxamed oo ka tiran warbaahinta dowladda ayaa la sheegay inay xaaladiisa liidato kadib markii uu ku xanuunsaday xabsiga isagoo maantana awoodi waayay inuu xaadiro maxkamadda.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]