Friday, July 11, 2025

Ahlu sunna oo dhoolatus milateri u sameysay Madaxweynaheeda Gobolada Dhexe

Kooxda Ahlusunna ee gacanta ku heysa degmada Dhuusmareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta dhoolatus maleeshiyo kusoo bandhigtay fagaare ku yaala magaalada Dhuusmareeb, iyadoo boqolaal maleeshiyo oo ka mida ciidamadeeda oo hubeysan ay gaada-ka-ciyaar ku mareen xaafadaha magaalada.

Madaxweyne-shaakir

Bandhigga cudud ee Ahlu sunna ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka degaankaasi, waxaana dhoolatuskaasi ka qeyb galay madaxda Ahlu sunna oo uu ka mid yahay madaxweynaha ay magacaabeen dhowaan Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ciidamada ururkiisa ku am,aaanay dadaalka ay u galeen sugidda ammaanka.

Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee kooxda Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo salaan sharaf dikri salaan ah ka qaatay xoogagga Ahlu sunna ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay aqoonsanto maamulkiisa oo ay la shaqeyso, mar haddii uu yahay mid ku dhisan rabitaanka dadka degaankaasi ku nool.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON