Wednesday, June 25, 2025

Ahlu sunna oo shaaciyay waqtiga uu furmayo shir maamul loogu sameynayo 3 gobol

Kooxda Ahlu sunna ee heysata degaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiran ayaa maanta uga dhawaaqay shir ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb waqti uu furmi doono shir ay sheegeen in maamul goboleed loogu sameynayo saddexda gobol ee Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

ahlu-Sunna

Mas’uuliyiinta Ahlu Suna shaaciyay in 26-ka Bisha June  uu furmi doono Shir ay iyaga qabanqaabiyeen oo Maamulka loogu dhisayo saddexdaas gobol, waxayna caddeeyeen in wufuuda kala duwan ee shirkaas ka qeyb galeysa loo diyaariyay goobihii ay degi lahaayeen.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo uu socdo shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo Mudug iyo Galgaduud, waxaana lagu wadaa in la doorto guddoon Baarlamaan iyo madaxweyne inta aysan bishan dhammaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON