7 qof oo musaafur ahaa ayaa lagu qabtay maanta garoonka caalamiga ah ee Atatürk Airport, magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, markii laga shakiyay.
Dadkan ayaa la sheegay inay Boolisku ka shakiyeen, markii la baarayna waxaa Boorsooyinkoodii laga helay lacag dhan $9.5 Milyan oo Doola oo ah lacag aan laga warqabin.
Booliska ka hortagga argagixisada qaabilsan ayaa sheega in 7-da qof ee lagu qabtay lacagta fara badan ay u kala dhasheen dalalka Kyrgystan iyo Uzbekistan oo ah laba dal oo hore uga tirsanaa Midowgii Soofiyeeti.
Baaritaan dheeraadah ayaa lagu hayaan dadkan oo magacyadood aan la shaacin marka laga xarfaha ay ka bilowdaan oo kala ah: A.U., H.Ö., H.A.K., Z.K., B.S., D.T. and T.K.
Waxay Booliska Turkiga Sheegeen inay baarayaan halka ay lacagta ka timid iyo meeshii loo waday.