Wednesday, June 25, 2025

AKHIRSO: Magacyada Guddoomiyeyaal Guddiyo oo Baarlamaanka Federaalku doortay

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay shan ka mida Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee Golaha Shacabka.

 Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo shan guddi iyo ku-xigeenadooda.
Guddoomiyeyaasha la doortay waxay kala yihiin:
  1. Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Howlaha guud, Dekadaha iyo Gaadiidka,
  2. Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka
  3. Gudoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshisiinta iyo Hanti isu celinta waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi
  4. Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda
  5. Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo loo doortay Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka
  6. Waxa kaloo la doortay shan guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayeyaal oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Dhowaan ayay xildhibaanada iska dhex doorteen ilaa iyo saddex guddoomiye, kuwaasi oo loo doortay inay qabtaan xilalka Guddiyada Kheyraadka dabiiciga, Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Beeraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON