Wednesday, June 25, 2025

Akhri Balanqaadka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Digniinta Guddoomiyihii hore

xil2

Xaflad ay xilka kula kala wareegayaan guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo guddoomiyaha cusub Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta ka dhacday xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho iyadoo la isku dhaafsaday khudbado ay ku dhex jireen balanqaad iyo digniin.

Digniinta waxaa bixiyay Guddoomiyihii hore mudane Muungaab oo sheegay in markii xilka lagu wareejiyay loo balan qaaday isaguna uu shardi ka dhigay in la hoos keeno ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda heer gobol si ammaanka wax badan looga qabto, laakiin wuxuu caddeeyay inaan marna lagu wareejin awoodda taliska ciidamdaasi, taasina ay wiiqday in dhinaca ammaanka wax laga qabto.

Muungaab ayaa u sheegay guddoomiyaha cusub in waxa ugu weyn ee hor yaalla dadkuna ku celceliyeen ay tahay ammaanka magaalada, taasina aanay suuragal ahayn haddii guddoomiyaha gobolka aanay hoos tegin ciidamada ammaanka, wuxuuna hor dhigay arrinta ku wareegsan maamulka ee ah in dowladda dhexe ay gacanta ku heysto gobolka.

Guddoomiyaha cusub Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horena u sii wadi doono horumarka ka jira gobolka Banaadir. “Waxaan idin balan qaadayaa inaan xafiis isku xeri doonin ee la shaqeyn doono min deris ilaa guddoomiye degmo, gudoomiye walibana kula xisaabtami doono xilkiisa” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Digniinta Muungaab iyo balanqaadka Sheekh Yuusuf ayaan la ogeyn tan dhaqan geli doonta iyadoo xaaladu kala caddaan doonto markii uu xilka loo dhiibay ku shaqeeyo guddoomiyaha cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON