Shirkii Wasiirada maaliyadda xukuumadda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda Dawlad Goboleedyada dalka oo Muqdisho ka socday ayaa lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan arrimihii lagu heshiiyay.
Shirkan oo lagu tilmaamay in looga xaajooday wadatashiga iyo xoojinta wadashaqeynta ayaa dhammeystir u ahaa habka mideynta canshuuraha oo in muddo ah ay wadeen dhiacayadan, waxaana shirka laga soo saaray qoddobo ay ka mid yihiin:
1- In madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habsami usocodka hawlaha guddiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta Maamulka Maaliyada ee dalka.
2- In la mideeyo shuruucda canshuuraha iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golayaasha dowlad goballeedyada ka hor inta aan la horgeynin golayaasha Dowladda waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad goballeedyada.
3- In shir degdeg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha August dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.
4- In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maareynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue).
5- In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaasoo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka.