Waxaa dunida islaamka maanta laga ciidayaa dalal ku yaalla Galbeedka Afrika oo ku dhawaaqay inay Arbacadda maanta 12-ka May 2021 ay u tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, kadib markii inta badan dunida laga waayey Bishii Shawaal.
Dalalkan oo inta badan ku hor mara ciida ayaa kala ah dalal qeyb ahaan dadkoodu islaam yahay iyo kuwo u badan Muslimiin, waxayna kala yihiin:
1- Senegal
2- Mali
3- Niger
3- iyo Ivory Coast
Afrtan dal ee Afrikaanka ah ayaa laga sheegay dhalashada Bisha Shawaal, iyadoo dunidoo dhan laga waayey Bishii Shawaal, isla markaana cilmi ahaan loo xaqiijiyey inaysan suuragal ahayn dhalashada Bisha oo shalay ay ka hor dhacday Qoraxda.
Afartan dal iyo degaanada ay ka taliso Alshabaab ayaa la og yahay in dunida oo dhan laga ciidayo, iyadoo muslimiinta kale ay sooman yihiin maanta, waxaana inta badan ay dhammeystirayaan 30-ka Ramadaan, halka qaar ka mida ay u tahay 29.
Sanadkii hore isla dalalkan ayaa sidan oo kale looga ciiiday, iyadoo dunida ka horeeyay hal maalin, waxaana soo wehliyey Alshabaab, balse waxaa sanadkan waxaa ka haray dowladda Soomaaliya iyo dhammaan maamullada kale, sida Somaliland, Puntland iyo Soomaalida Itoobiya oo shaaciyey inay Khamiista u tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.
