Mareegtan Goobjooge.com oo akhristayaasheeda ugu soo bandhigtay maanta Jadwalka lagu heshiiyay ee doorashooyinka 2016 iyo xilliyada ay dhacayaan doorashada madaxda sare iyo xildhibaanada ayaa idin soo bandhigeysa qodobada haran ee ilaa iyo hadda aan heshiiska laga gaarin.
Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in qodobo gaaray 4 oo midkood yahay kan ugu adag wadahadlkoodu weli socdo, kuwaasoo kala ah:
- Halka lagu soo xulayo xildhibaanada labada aqal ee ka imaanaya Gobollada Somaliland (Waxaa hore loogu heshiiayay in Muqdisho lagu soo xulo, waxaase harsan faahfaahinta cidda soo xuleysa iyo qaabka loo marayo, iyadoo dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay adag tahay xakameyntooda).
- Qaabka loo soo xulayo xildhibaanda labada aqal ee ka imaanaya gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe: (Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in degdeg loo dhiso maamulka labadaas gobol, kadibna iyagu maamulaan doorashada, laakiin waxaa jira hubanti la’aan ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol oo muddo dheer jiitamayay).
- Arrinta xajiijinga qoondada Dumarka: (Waxaan lagu heshiin dhaqan gelinta Qoondadii Dumarka ee ahayd 30%, taasoo laga doodayo in sharci laga dhigo iyo in sidii hore loo fududeeyo).
- Qodobka ugu adag ayaa ah in la sharciyeeyo xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku eg 10 September 2016 ama xilka uu la wareego guddoomiyaha Baarlamaanka. (Arrintan oo Xasan Sheekh diidan yahay in keligiis uu xilka ka dego).
Madaxweyne Xasan Sheekh maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa dib u amba qaadaya shirarka Madasha maalintii Afraad galay, waxaana laga sugayaa in laga gaaro qodobadan oo fure u ah in shirka lasoo gabagabeeyo.
Goobjooge.com
U GAARA GOOBJOOGE.COM