Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ee 8 Janaayo 2017 guda gelaya dhageysiga Khudbadaha musharixiinta u taagan xilalka Guddoonka Baarlamaanka.
Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay jadwalka beri ee Baarlamaanku ku socon doono, iyadoo la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta u taagan xilalka Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad oo ay u sharxan yihiin 10 musharax.
HOOS KA AKHRISO JADWALKA
9:20 – 9:25: Furitaan Akhrinta Aayadaha Quraan-ka Kareemka Ah
9:25 – 9:30: Ansixinta Ajendaha Kullanka
9:30 – 9:35: Sharaxaadda Qaabka Khudbad Jeedinta( Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle)
Khudbad jeedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka
9:35 – 9:50: Waxaa Khudbadda Jeedin doona murashaxa 1aad: Cabdifitaax Maxamed Ibrahim Geesey.
9:50 – 10:05: Waxaan khudbeyn doona Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig
10:05 : 10:20: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Idirs Cabdi Takar
10:20 – 10:35: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
Khudbad jeedinta Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad
10:35-10:50: Waxaa khudbeyn doona: Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey
10:50 – 11:05: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir
11:05 -11:20: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar
11:20 – 11:35: Waxaa khudbeyn doonta Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye
11:35 – 11:50: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir
11:50 – 12:05: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid
Goobjooge.com