AKHRISO: Arrimihii looga hadlay Kulankii dhex maray Madaxweyne Farmaajo & Amiirka Qatar Tamiim Bin Hamad [Sawirro]

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar iyadoo maamuus heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Amiirka ee Magaalada Doha .

Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.

Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 5 people, people standing

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, indoor