Monday, July 14, 2025

AKHRISO: Baarlamaanka oo Dastuurka KMG ka bedelaya qodob caddeynaya fashilka Dowladda

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu wax ka bedel ku sameeyo qodob ka mida Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo si cad u soo shaac bixinaya in Baarlamaanka iyo dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay gudan waayeen shaqadii dastuuriga ahayd ee loo xil saaray mudadii 4-sano ahayd.

Qodobkan 136aad ee Dastuurka KMG ah, gaar ahaan faqradiisa labaad ayaa caddeyneysa  sida soo socota:

Doorasho-Dastuur

Wax ka bedelka qodobkan ayaa u baahan in la helo 184 xildhibaan, taasoo aad u culus Baarlamaanka Federaalka. Qodobkan wuxuu ku saabsan yahay in afti loo qaaday Dastuurka KMG ah kadib markii dib loo eegay, taasoo aan dhicin ayna ku fashileem Baarlamaanka iyo xukuumadaha ka hoos dhismay hogaanka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaraya saddex xukuumadood.

Dastuurka KMG ah ayaa weli ku jira dib u eegis qura, iyadoo sidoo kale aan lagu guuleysan in dalka laga qabto doorasho guud oo qof waliba codkiisa dhiibto oo ahayd labadii shaqo ee ugu muhiimsaneyd lagana sugayay dowlada uu hogaankeeda qabtay  Xasan Sheekh Maxamuud 2012.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON