Warbixin uu dhaqaalaha Soomaaliya kasoo saaray Bankiga Aadduunka ayaa looga hadlay Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo ka hadlay halista ay leedahay lacagaha la isugu diro Mobile-da oo dowladda Soomaaliya uga digay haddii aan la sharciyeyn in laga dhaxli-doono dhibaato iyo cawaaqib xumo.
Kororka Lacagta Mobilka la isugu diro (Sida EVC-Plus, ZAAD, E-Dahab E-maal IWM):
Bankiga Addunka ayaa sheegay in Bil kasta lacagaha taleefonada gacanta la isugu diro ee Soomaaliya ay gaareen $2.7 bilyan, taasoo micnaheedu yahay in 155 Milyan jeer ay dadka lacago isu diraan bil kasta.
Lacagta la isugu diro Mobile-da waxay dakhliga guud ee umadda Soomaaliyeed ka tahay in ka badan 3 meelood 2 meel oo ah qiyaastii 36% dakhliga guud ee wadank, Waxayna lacagahaasi maran nidaamka Mobile-ka oo ah mid aan sharciyeysneyn.
Dadka Soomaalida ayaa noqday dalalka ugu horeeya ee adeegsada nidaamka lacagaha la isugu diro teleefoonada, waxaana dadka adeegsada lagu qiyaasay 73%. Lacagaha taleefoonada la isugu diro ayaa habka ugu balaaran ee loo adeegsado lacagta isu gudhinta, iibsiga, iyo in sida kaash loo kale laba qof isu diraan shaqasiyaad iyo ganacsiga gudaha Soomaaliya oo dhan.
HALISTA LACAGAHA LAGU DIRO MOBILE-DA
Lacagaha taleefonada ee soo gala Bankiyada ayaa ka badan kuwa ka baxa, taasoo micnaheedu yahay in lacagta dadka shacabka ah ay u gacan gasho shirkado gaara iyo Bankiyo yar, sidaas darteedna wuxuu Bankiga adduunka ka digayaa inay dhici karto in Shirkadaha iyo Bankiyada Addeegan bixiya ee iska maamula iyadoo aan la koontaroolin ay dhiiradaan inay lacagaha dadka iska isticmaalaan, oo maalgashi ku sameystaan, halkaasina halis weyn ka timaado.
Bangiga adduunka ayaa warbixintiisa ku caddeeyay in Shirkadaha Adegga lacagaha lagu diro iyo Bankiyada adeegsada ay taallo lacagta qiimo ahaan aan u dhigmin kharashka ay dadka shacabka ah ku shubaan ama isu wareejiyaan nidaamkooda oo Balaayiin Dooalar ah.
Wuxuuu sheegay Bankiga Adduunka inaysan jirin hufnaan lacag isu diris ah, waayo qofka aad lacag u dirto, isla lacagtii ayuu kuu soo celin ama qof kale u dirayaa, lacagaha wareegayana waa tii ay dadka dhigteen, halka hantidii ay shirkadda ama Bankiga lahaa ay gashadaan maalgelin dhul iyo arrimo kale.
Ku-tiirsanaanta sare ee lacagaha taleefoonada la isugu diro waxay kordhisay dayacnaanta ku timid maqnaanshaha hanaan sharciyeed oo rasmiya, Haddii nidaamkaasi burburo Shirakdda ama Bankigaas-na dhibaato u timaado waxaa uku hanti beelaya inta badan dadka Soomaalida ah.