Urur Goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay ka hadashay waanwaanta ay ka dhex wado Galmudug iyo Ahlu suna kadib seminaarkii ugu dhammaaday dalka Jabuuti.
War-saxaafadeedka IGAD ayaa 4 qodob oo lagu faahfaahiyey in kulanka Jabuut uu ahaa seminaar xalinta khilaafaadka iyo wadahadalka oo loo qabtay Galmudug iyo Ahlu suna, isla markaana uu maalgeliyey sanduuqa SSF, basle uu qabtay machadka Cligendeal ee dalka Holland.
IGAD ayaa qoraalkeeda ku shaacisay in shirka uu dowladda Soomaaliya u metelay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha C/llaahi Faarax Weheliye, ayna lahayd hogaanka shirka, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen in waxyaabaha kasoo baxay seminaarka lagu dhameystiro gudaha Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA IGAD