Saturday, May 4, 2024

Akhriso: Lacagihii ay kala heleen xulalkii Euro 2016 & xulka koobka qaaday ee Portugal

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub UEFA ayaa shaaciyay lacagaha ay heleen xulalkii dalalka Yurub ee ka qeyb galay tartankii EURO 2016 iyo kooxda koobka qaadatay ee Portugal.

Xulka Portugal oo koobka qaatay wuxuu helay lacag dhan 25.5 Milyan oo Euro, waxaa sidoo kale xulka Faraniiska oo kaalinta labaad galay wuxuu isna helay 23.5 Milyan oo Euro.

Dhammaan xulalka 24-ka ah ee ka qeyb galay tartanka Euro 2016 wuxuu mid kasta helayay lacago abaal marin ah, waxaana lacagahaasi oo tartan waliba lagu guuleysanayay ay kala ahaayeen sidatan:

Ad

Xulka kasta oo tartanka ka qeyb galay waxaa la siiyay 8 Milyan Doolar, xul kasta oo ciyaar ku guuleysta waxaa la siiyay 1 Milyan oo Euro, xul kasta oo barbarro keena wuxuu isna helay Nus Milyan Euro.

Xul kasta oo soo gaaray wareega 16-ka waxaa la siiyay 1.5 Milyan oo Euro, xul kasta oo soo gaaray wareega 8-da wuxuu helay lacag dhan 25. Milyan oo Euro iyo lacag dhan 4 Milyar Euro oo la siiyay 4 tii xul ee isu soo haray.

Xulka Koobka qaaday ayaa isna la siiyay lacag dhan 8 Milyan Euro, halka kaalinta labaad uu helay 5 Milyan, waxaan marka lacagtaas la isku daro ay Portugal heshay 25.5 Milyan oo Euro, laakiin waxay 1.5 Milyan oo Euro ku weysay barbarihii ay gashay saddex ciyaar ee wareegii koowaad.

- Advertisement -

Liiska sida lacagaha u heleen xulalka

  1. Portugal 25.5 Milyan Euro
  2. France 23.5 Milyan Euro
  3. Germany 18.5 Milyan Euro
  4. Wales 18 Milyan Euro
  5. Poland 14.5 Milyan Euro
  6. Iceland 14 Milyan Euro
  7. Italy 14 Milyan Euro
  8. Belgiun 14 Milyan Euro
  9. Croatia 12 Milyan Euro
  10. Switzerland 11.5 Milyan Euro
  11. England 11.5 Milyan Euro
  12. Spain 11.5 Milyan Euro
  13. Hungry 11.5 Milyan Euro
  14. Slovakia 11 Milyan Euro
  15. Ireland 11 Milyan Euro
  16. N. Ireland 10.5 Milyan Euro
  17. Albania 9 Milyan Euro
  18. Turkey 9 Milyan Euro
  19. Romania 8.5 Milyan Euro
  20. Russia 8.5 Milyan Euro
  21. Czekh 8.5 Milyan Euro
  22. Sweden 8.5 Milyan Euro
  23. Austria 8.5 Milyan Euro
  24. Ukraine 8 Milyan Euro

     

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON