Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay xilalka ka qaado mas’uuliyiin ka tirsan dowladda siiba dhinaca Garsoorka.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wada isbedel guud oo dhammaan saameyn doona madaxda hay’adaha dowladda, waxaana ugu horeeya Garsoorka iyo dembi baarista.
Mas’uuliyiinta xilka qaadista cusub ay saameynta ku yeelan doonto waxaa ka mida:
1 – Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir
2 – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Saleebaan
3 – Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed
4 – Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi (Wuxuu dhowaan sheegay inuusan saameyn doonin isbedelka socda.)
5 – Hanti Dhowrkaa Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.
6 – Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha uu qorsheynayo isbedel iyo isku shaandheyn lagu sameeyo agaasimeyaasha wasaaradaha oo in badan oo ka mida ay waqti dheer xilka hayaan.
Goobjooge.com