Monday, July 14, 2025

AKHRISO: Liiska Xubnaha Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ku wehliya Booqashada Dalka Qatar

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee booqashada rasmiga ah ku jooga dalka Qatar ayaa waxaa ka mida laba wasiir oo haween ah iyadoo aanu ka mid noqon wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa socdaalkii labaad ku tegay shalay dalka Qatar, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, wuxuuna maanta kulan la yeeshay amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad Althani oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo labada dal ay iska kaashayaan iyo taageero ay dowladda Qatar siineyso Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxay kala yihiin:

1- Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Jamaal Maxamed Xasan

2- Wasiirka Caafimaadka Drs. Fowziya Abiikar Nuur

3- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac

4- La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan

5- Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.

6- Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada C/nuur Maxamed

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Cawad ayaa Muqdisho ku sugan iyadoo aan lagu soo darin wafdiga, waxayna wararka qaarkood sheegeen in laga reebay wafdiga. balse ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa sheegay in Wasiirku u haray deeq uu ka guddoomi lahaa dowladda Shiinaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON