Kulan ay yeesheen Guddiga Ammaanka dowladda ayaa laga soo saaray amarro cusub oo ku saabsan howgallada amni ee kasocda caasimadda.
Madaxda dowladda iyo Hay’adaha ammaanka ayaa isku raacay in la sii xoojiyo howlgalladda amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyadoo la soo rogay amarro ku saabsan dadka hubka ku dhex wata magaalada.
HOOS KA AKHRI AMARRADA CUSUB
- In askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wata laga qaadayo qoriga, haddii uu diidana tallaabo laga qaadayo.
2. In talaabo laga qaadayo ciddii lagu arko iyado xiran Dareyska Ciidanka Xooga dalka, kana tirsaneyn.
3. In Ciidan iyo Gaadiid aan wdan warqad fasax wadan aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.
4. Inaan lagu arki karin magaalada Muqdisho ciidan aan ahayn Ciidamada ammaanka sugaya amaanka guud ee Caasimada iyo ciidamada sugaya ammaanka xarumahadowladda.
5. In laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho. Wiixii ka damnbeeya 1 July shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xoogga.
6. In aan cidna looga tureynin Howlgalada Xasilinta Caasimada, cidii ka hor timaaddo tallaabo sharciga ah laga qaadayo.
Goobjooge