Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska diiday maanta go’aankii ay Maxkamadda Sare ku baabi’isay doorashadii 8 kamida xildhibaanada oo dacwad ka taagneyd.
Baarlamaanka oo ku dooday inaan natiijada doorashada 275-ta 2016-ka ay ahayd xalaal iyo kama dambeys aan dib loogu celin doonin ayaa sabab ka dhigtay lixda qodob ee qofka xildhibaanka ah ku weyn karo xildhibaanada.
Sababaha keliya ee Doorashada loogu celin karo ayaa ah:
- Xubinta oo Geeriyoota
- Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xil gudasho la’aaneed joogta ah.
- Xubinta oo istaqaalad u gubdisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana ogolaado.
- Ka-maqnaasho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aaney jirin sabab maangal ah.
- Haddii ay xubinta aqbasho xil dowladeed aan wasiir aheyn
- Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinnimo, sida ku cad sharciga
Qodobadan oo qaarkood hore u dhaceen, siiba qodobka 4-aad ayaan hore waxba uga qaban baarlamaanka, waxaana is-weydiin leh in xildhibaanada muranka sharciyeed ka taagan yahay ay xildhibaano noqdeen marka horeba, haddiiba qaabkii ay ku soo bxeen sharci darro ahaa.
Goobjooge