AKHRISO: Magacyada 18-ka Askari ee Guutada 14-ka Oktoobar oo Maxkamadda Ciidamada ay xukuntay

0

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa 18- askari oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee ciidamada Xoogga dalka, lana sameeyay kadib qarixii Soope ee ku xukuntay Xabsi ciidam oo 5 sano ah.

Ciidamadan oo la qoray kadib qarixii Soope ee Oktoobar 2017, kadib baaqii madaxweyne Farmaajo ayaa qeyb ka noqday falal abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta rabshado ciidanka dhexdiisa ah, waxayna diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed.

Ciidamadani waxay kala yihiin:

1- Xuseen Baashi Cawad Canshuur

2- C/wali Ibraahim Maxamed Xasan

3- Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur

4- Ismaaciil Saciid Muuse Xiir

5- C/wali Faarax Ismaaciil Maxamuud

6- C/shakuur Maxamed Xirsi Cali

7- Fatxi Aadan Cali Yuusuf

8- Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige

9- C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne

10- Maxamed Axmed Dhalac Cabdi

11- C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi

12- C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise

13- Daahir Maxamuud Gurxan Cali

14 – Axmed Jaamac Siid Cali

15- Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac

16 -Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi

17 -Cali Maxamed Abyan Cilmi

18- iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Askartan ayaa ku dooday 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo hore loo ruqseeyay markii xilli Ramadaan ah ay isticmaaleen Maandooriye mamnuuc ka ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.